Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa soo saartay go’aan ay ku joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin dhawr ah oo ku yaalo Qaaradda Africa, islamarkaana ay ka mid ah magaalada Muqdisho ee Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay Kenya Airways ayaa lagu sheegay inay joojisay duulimyaadyada illaa 7 magaalo,  iyadoo aysan shirkadda faahfaahin ka bixin sababta keentay.

Todobada magaalo oo ay duulimyaadyadooda joojisay Kenya Airways ayaa kala ah:

  1. Muqdisho
  2. Bamako
  3. Maputo
  4. Brazzaville
  5. Blantyre
  6. Khartoum
  7. Luanda

Warka ka soo baxay Kenya Airways ayaansidoo kale  looga hadlin haddii uu go’aankaan yahay mid kumeel gaar ah iyo mid kama dambeys ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa Bishii November ee sanadkii 2018 si rasmi ah u bilowday duulimaayeeda Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogoleyn sababta hadda keentay in la joojiyo duulimyaadaas.

Soomaaliya ayaa 3-dii Bishaan dib u bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, inkastoo ay diiday inay fasaxdo duulimaadyada Qaadka ee Kenya waxaana laga yaabaa in go’aanka ka soo baxay Kenya uu jawaab u yahay arrintaan.

Dowladda Kenya oo sidoo kale iyadana dib u fasaxday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalkeeda ayaa liiska wadamada loo fasaxay ka reebtay Soomaaliya, waxaana muuqato inuu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyo labada dhinac.