BF SOOMAALIYA oo diiday ansixinta hindiso sharciyeed ka hor imanaya DIINTA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu shir Guddoominayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.

Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban, sidoo kale waxay diideen xataa in akhrinta koowaad la marsiiyo loona baahan yahay in marka hore wax laga soo badalo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dalbaday in laga doodo Arrimaha doorashooyinka xilli ay jirto tuhun ku aadan in baarlamaanka uu Maanta sameysto muddo kordhin.

Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in Kulanka maanta uu yeelanayo Golaha Shacabka laga qabo  tuhun ah inuu mar qura ajandihiisa is bedelo, si la mid ah qaabkii loo riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ajandaha aan ku jirin markii codka kalsoonida loo qaadayay Xukuumaddiisa.

25-kii bishii hore ee July ayay aheyd markii Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray Ajandaha kulanka ka doodista Doorashooyinka 2020/21 uu mar qura isu bedelay kalsooni u qaadista Xukuumadda, waxaana durbadiiba si fowdo iyo buuq ku jira loo riday Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre.