Ma baarlamankii Soomaaliya baa maanta ka doodaya galmo oo la soo ag dhigay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood badan ayaa ka dhalatay kulankii maanta ee Golaha Shacabka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka la horgeeyey hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada, si ay aqrinta koowaad u marsiiyaan.

Xildhibaano badan ayaa dood ka keenay hindise sharciyeedkan, kuwaas oo ka hadlay kulanka, waxaana ay sheegeen inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.

Mudane Cabdullaahi Sheekh oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa marka hore is-weydiiyey ‘Baarlamaankii Soomaaliyeed baa manta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay’ isaga oo sheegay in hindise sharciyeedkan uu yahay mid lagu dilay sumcad dilayo  baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigan xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay guddoonka baarlamaanka, sida ayugu soo gudbiyeen xeerkaasi xildhibaanada, isaga oo ku tilmaamay inuu la mid yahay bullaacad wasaq ah.

”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa manta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay waxay dhaawac ku tahay Sumcaddiinna guddoomiye iyo kan baarlamaankaba mana ahayn inuu baarlamaanka uu soo gaaro,Waa Bullaacad kan ee Sharci maahan,Guddoomiye biyo iyo bullaacad iyo wasaqba haddii aad baarlamaanka kusoo deysaan ilaahay ka baqe maxaa dhacaya guddoomiye?” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh.

Si kastaba ha’ahaatee xildhibaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta iska diiday ka doodisa hindise sharciyeedkan, iyaga oo dalbaday in bedalkiisa laga doodo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.