TARZAN OO QABRIGIISI QOTAY (AQRI)

Maahmaahdi ahayd  AF DABOOLAN DAHAB WAAYE waxay xambaarsan tahay xikmad aad u qoto dheer oo ka tarjumeysa dhaqanka qofka afkiisu furan yahay oon ogeyn ama aysan u qiyaasneyn hadallada ka soo fulaya heerka ay gaarsiin karaan noloshiisa ama damaca uu ka leyahay mustaqbalkiisa.

Guddoomiye Tarzan waxaa la moodaa nin aan soo marin waxa lagu magacaabo formal education, wuxuuna ka mid yahay dadka mooda haddii ay bartaan af-ingiriis heerka spoken language inay caalim yihiin.  Waxyaabaha uu ku kacaayo ama falalka gurracan uu wado Tarzan waxaa eedeeda iska leh Madaxweyne Sheikh Shariif oo soo aruursaday “ comrades” aan loo aaba yeelin lagana  fiirsan dadnimadooda.  Tarzan hadduu aqoon lahaan lahaa wuxuu garan lahaa in dowladuhu ay leeyihin asraar aan loo baahneyn inay faafiyaan dadka xilalka ka qabta …dowladda Mareynakna waxay qabtaa sharci ah in waxyaabaha aan kor ku sheegan aan la soo bannaan bixi karin illaa ka soo wareegto 50 sano, waana talo ay isku waafaqeen culumada taariikhda.

Nasiib darrada na heysata waxay tahay waxa uu damacsan yahay iyo siyaabaha uu ku fikiraayo isagoo aaminsan inuu yahay ZACIIM u qalma inuu dalka hogaamiyo isagoon aqoon lahayn.  Sheikh Shariif dadki uu qashin-qubka ka soo qaaday sida Tarzan  iyo qaar kaloo badan ayaa manta isu heysta inay dalkaan hogaami karaan, waayoo waxay heleen fursad ay xoogaa lacaga ku aruursadaan oo ay hoteelo seexdaan.

Tarzan wuxuu gaaray manta heer uu eedeeyo una gefo magaalada Muqdisho,  waa meeshi soo dhaweysay ow ku soo barbaaray, siisayna nolol aysan helin kuwi isaga la midka ahaa, ayuu manta wixi ka dhacay magaaladana ay iyadu sababta leedahay, cid sheega kartaana aysan jirin, sida asagu sharciyeeyay. Wuxuu horey ugu hadli jiray waa illawyay, doodihii dhex maray isaga iyo dad badan  oo reer Puntland ah ee ku saabsaneyd martabada iyo maqaamka Muqdihso..illawsha dhawaa umul miyaa!!!  Wuxuu aflagaado u geystay qofki isaga magacaabay oo gaarsiiyay meel uusan weligii ku riyoon nin uneducated orfano ahaa.  Qof kasta oo siyaasadda soo gala meel ayaa loo nisbeyaa. Tarzan dhinacuu naga xigaa!!!.  Ma wuxuu damc ka haayaa inuu mar kale Xamar ku soo laabta ama jago ka qabto?

Gefafka uu ka gelaayo Xamar dadka qaar waxay ku macneeyeen inuu ula jeedo jufo gaar ah, isagoo ku raadsanaya in Soomaalida inteeda kale oggolaato inuu Zaciim yahay.

Meel ka mida waddamada Yurub Ayaan kula kulmay nin macallin ka ah dugsi oo markaan wareystay ii sheegay inay xataa ardadiisu leeyihiin adiga Somalida waa ka geddisan tahay, waadna ka fiican tahay!!!

Markaasaan ku iri cay kuu dhiman oo lagu cay lahaa ma jirto..markaasuu yiri sey ku dhici kartaa?  Markaasaan iri lafahaaga ayaa la caayay iyo isirkaaga, adna aad ammaan u qaadatay !!  Tarzan waxaa la yiri adiga dadka Xamar sheeganaya oo kale ma ihid waana ka duwan tahay,,,si uu arrintaas u rumeeyo wuxu eedeyn iyo aflagaado kala kordhacay Muqdihsu iyo dadka deggan si loo arko inuu yahay nin dadka oo dhan u dhexeeya..

Ogaw Tarzanow waxa aad ku hadleyso waxaa jooga dad akhri kara inta aadan dhihin, markaad dhehdana akhri kara between lines oo waxa aad ulajeedo kala soo bixi kara fal dhaqankaaga..isqabo intey goori goortahay, u maleyn maayo in weligaa Soomaaliya wax ka naqan doonto marka la qiyaaso tallaabooyinka aad qaadeyso. Wal cilmu cindallaah!!!

Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid