Video: Baarlamanka Soomaaliya oo si aad ah u beeniyey facebook & Twitter

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu si rasmi ah u ogeysiinaya Dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan,si gaar ahna bahda Warbaahinta in aanay Baarlamaanka Soomaaliya iticmaalin bogagga laga sameeyey baraha Facebook iyo Twitter ee magaca Baarlamaanka looga been sheegay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Buux ayaa yiri ” waxaan doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego iney been abuur yihiin bogagga lagu sameeyey magaca Baarlamaanka ee ku jira Facebook iyo Twitter inaanay Baarlamaanku laheyn ee ay yihiin kuwa been abuur ah oo magaca Golaha Shacabka looga been sheegayo”

Waxaan sidoo kale ku wargelinayaa umadda Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaliya uu leeyahay hal bog oo si rasmi ah afkiisa uga hadla islamarkaana ay ku jiraan shuruucda iyo howlihii kale ee Baarlamaanku qabtay waana www.parliament.gov.so ,wax kale oo bog ah mas’uul kama nihin.

Ugu dambeyntii waxa uu uga digay kooxaha caadeystay iney ka been sheegaan magaca Baarlamaanka ee bogagga ku sameysta iney ka digtoonaadaan falalkaas oo ay Alle uga baqaan.

Muuqaalka Xoghayaha Guud Hoos Ka Daawo:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so