Afhayeenka gobolka oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee ammaanka Khaliif Axmed Irig ayaa u magacaabay Maxamed Cismaan Yuusuf oo horrey u ahaa afhayeenkii maamulka gobalka Banaadir afhayeenka cusub ee wasaaradda.

Afhayeenka cusub ee wasaaradda ammaanka ayaa xusay in wasaaraddooda ay la immaan doonto dedaalo lagu adkeenayo ammaanka caasimada isagoona ku tilmaamay wasiirka cusub qof wax badan ka yaqaana arrimaha ammaanka oo la soo shaqeeyay maamulkii hore ee gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay in wasaaradda ammaanka maalmaha soo socda ay la immaan doonto qorshayaal cusub oo la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda u muuqdo mid fashilka ku yimid.

Afhayeenka cusub ee wasaaradda ammaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamahan ammaanka si looga hortago wax kasta oo keeni kara ammaan darrida caasimada.

Si kastaba, wasiirka cusub ee ammaanka Khaiif Axmed Irig ayaa shaley oo Sabti ahayd la wareegay xilka, mana cadda wax yaabaha uu ku soo kordhin doono ammaanka Muqdosho oo hadda u muuqda mid faraha ka si baxaya.i

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com