26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawiro: Thaabit oo xafiiskiisa ku qaabilay dhallinyaradii laheyd gaarigii ay Shalay AMISOM ku waxyeeleeyeen KM4

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqu Muqdisho Taabid Cabdi ayaa la kulmay
Dhalinyaro iska laheyd gaari shalay isgoyska km4 ay ku burburiyeen ciidamada  Amisom.

Gudoomiye Taabid ayaa yiri” Alxamdulilah Hadaa nabad qabtaan waxana idin balan qadaa in aad dhawaan heli dontaan cadaalad”

Guddoomiyaha ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraalkaan:

” Waxaan la kullanay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom. Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan”

Dhalinyarada iska leheyd gaari ay sida gar darada ah u jireen ciidamada Amisom ayaa uga Mahad celiyay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir sida geesinimada leh uu har & habeen u garab tagaan yahay bulshada Gobalka.

Kulanka uu Thaabit la yeeshaan dhallinyaradaan ayaa imaanayo kadib markii uu Shalay Guddoomiyaha sheegay inuusan raali ka aheyn kana noqon doonin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News