Thabit Cabdi oo soo saaray war muhiim oo ku saabsan XASUUQII 14-ka October

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmo tirsan ayaa ka haray 14ka October, oo ah maalin uu xasuusan yahay qof walba oo Soomaali ah. Waa maalintii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya waxaana laga joogaa sanad maalmo dhiman.

Dadbadan ayaan wali ka samrin dadkii ay ku waayeen isgoyska Zoobe, kuwaas oo badi aan la arag, waxaana bulshada Soomaaliyeed isu soo bax balaaran iyo xasuus weyn ugu baaqay duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed.

Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu ku xasuusiyay Dowlada iyo shacabkaba in aan loo kala harin xasuusta loo sameynaayo dadkii 14kii October lagu laayay Soomaaliya.

Thabit ayaa ku tilmaamay maalin ay dhacday Musiibo Qaran, oo looga jawaabay Gurmad Qaran ayna ka dhalatay Midnimo Qaran.

Sidaan ayuu u qornaa hadalkii uu Thabit Cabdi ku qoray bartiisa Facebook..

#14kaOctober, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsandoontaa. 14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, aafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan.

Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober.

#Xusuusta14kaOctober

Mahad-badan.