Yariisow oo soo farageliyey khilaafka DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay aqbalaan shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Eng. Yariisow oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo sida nabadoonnimo uu doonayo in xal waara looga gaaro arrimaha tabashada jirta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka baaqiisa ahaa shirka Golaha Amniga Qaran ee uu ugu baaqay dhammaan inay ka soo qeyb galaan Madaxda Gobolada, taasoo ku tuseysa sida Madaxweynaha u yahay Nabadoon doonaya in xal waara uga gaaro dhammaan wax kasta ee tabashi jira wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Waxa uu sheegay in aan wanaagsaneyn in lagu ol ololeeyo Colaada balse ay muhiim tahay in Nabada loo ol ololeeyo,taasina ay ka go’aan tahay Maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hadalkaan ka soo baxay duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli Maanta qorsuhu ahaa in uu qabsoomo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu iclaamiyey Madaxweynaha balse ay diideen ka qeyb galkiisa Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay shuruud ku xireen shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo dalbaday in garab saddexaad ay dhex dhexaadin ka noqoto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com