Sawirro koobaya darafka 3-aad ee ay rabaan madax goboleedyada iyo halka ay dalka dib ugu celinayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilowgii bishan September, shir Kismaayo ka dhacay oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dowlada gobolleedyada ayey ku sheegn in ay ku hakiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe.

Walow aysan ugub ahayn in maamul ama hoggaamiye ka taliya sheego in xiriirkii loo jaray dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya, hadana waa markii ugu horreeysay oo la maqlo tan iyo markii dowladda hadda jirta talada la wareegtay.

Sida ay ku qoreen war-murtiyeedkii ay arrintaas iyada ah ku shaaciyeen, waxa ay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda dhexe ilaa iyo amar dambe.

Saacado kaddib war-murtiyeedkaas, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna ku baaqay shir gololaha amniga qaranka ah oo ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah oo dhawr jeer oo hore qabsoomay.

Shirka uu madaxweynaha ku baaqay marka la eego xilliga uu ku soo aaday waxa uu ahaa mid sulux u muuqda oo ay dowladda ku dooneysay in ay ku dhageysato waxna uga qabato cabashooyinka maangalka ah ee ay qabaan maamul Gobolleedyada, hase ahaatee, sidii la filayey uguma aysan falcelin.

War-murtiyeed kale oo ay dhawr maalmood kahor ay soo saaren, golaha la baxay iskaashatada M/Gobolleedyada waxa ay ku dalbadeen DARAF saddexaad oo dhex dhexaadiya iyaga iyo dowladda waxa uuna ahaa shuruud ku xiran ka qeybgalkooda shirka uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka ee Soomaaliya.

Hadaba, soo lama oran karo darafka saddexaad ee ay sheegayaan waa dowladaha shisheeye, ha ahaadeen kuwa deriska ah ama beesha kale ee caalamka?

Dhinaca kale soo lama oran karo waxa ay u xiiseen farogelintii shisheeye lagu hayn jiray siyaasadda Soomaaliya, mise tahay maangal in maanta masiirka umadda Soomaaliyeed loo hoos fariisto shisheeye?

Nasiib wanaag, bulshada Soomaaliyeed oo ay waliba horboodayaan xubno ka mid ah goloha Shacabka ayaa aad uga dhiidhiyey baaqii guracnaa ee hoggaamiyeyaasha M/gobolleedyadu ku dalbadeen faragalinta shisheeye uu umuuraha Soomaaliya.

HOOS KA EEG SAWIRRO SOO KOOBAYA WAXA AY UMADDA LA DOONAYAAN