Xaad oo jawaab ka bixiyey hadalkii ay maamullada ee la xiriiray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka ayaa sheegay in aysan sax aheyn in madaxda maamul goboleedyadu diidaan in ay yimaadan magaalada Muqdisho, kuna tilmaamaan in aysan aheyn meel nabad galyo ah.

Qoraal dhowaan kasoo baxay maamul goboleedyada ay ku diideen shirkii dhowaan uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, ayaga oo sababaha qaarkood ku sheegay inaysan Muqdisho amni ahayn, hase yeeshee Xaad ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Nabadoon Xaad ayaa dhinaca kale tilmaamay in xiligan aan loo baahneyn is qabqabsi Siyaasadeed uu dib u dhigo horumarka Soomaaliya, waxa uuna aad uga digay in khilaafka sidaa ah uu albaabada u furo shisheeyaha oo mar waliba u sameysan ka faa’iideysiga muranka madaxda Somalia.

Xaad, waxa uu sheegay inuu aad uga cabsi qabo in saaxiibada caalamka ay fursad weyn ka dhex helaan Khilaafka, waxa uuna cadeeyay in sida ay hadda wax ku socdaan ay u muuqaneyso inaan laga maarmi doonin faragalin shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Faragalin shisheeye waxa ay culeys ku noqon doontaa awooda ay dowlada Somalia ku xakameyn laheyd siyaasada maamulada, waa in meesha laga saara waddo waliba oo keeni karta faragalin”

Waxa uu Nabadoon Xaad ugu baaqay dowlada Somalia in shisheeye aysan faragalin ku sameyn dadaalada haatan lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in ay diyaar yhihiin waxgaradka Soomaaliyeed, haddii loo baahdo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xalinta khilaafkaasi.

Sidoo kale, Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka ayaa dhankiisa ka sheegay in Somalia ay iminka ka reysatay faragalin shisheeye balse uu iminka qabo walaac.

Walaaca ugu weyn ayuu sheegay inuu yahay in khilaafka uu sii xoogeysto isla markaana shisheeyuhu ay halkaa ka helan fursad faragalin.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Dhexe ee Somalia ayaa dadaal ku bixineysa sida ay xal ugu heli laheyd Khilaafka kala dhexeeya maamulada dalka oo iyagu dhinac isku buuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com