FIQI: Waxaa loo sheegtay xoog iyo xoolaha XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Galmudug ayaa qoraal uu facebook soo dhigay shaaca uga qaaday in xoog iyi xoolo Xamar ka yimid loo adeegsanayo sidii maamulkaas lagu burburin lahaa. Hoos ka aqriso qoraalka.

Heshiiska Galmudug Iyo Maamulkii Ahlu sunna ku dhexmaray dalka Djibouti iyo dhaqangalintiisii waxey ahaayeen hawl dawladda dhexe, madaxda ASWJ iyo madaxda Dawlad goboleedka Galmudug intuba ay wada gaareen, una baahan in la dhowro, sida heshiisyada kale ee ka danbeeyey ee la gaarayna ayagana ay tahay in loo Dhowro sida in Xarunta Barlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.

Xildhibaanada Galmudug heshiiskii ka dib, waxaan ognahay in laba boqol ay kor u dhaafeen, oo weliba goobtii lagu dhaarinayey uu goobjoog u ahaa guddoomiye Cali Gacal Casir iyo in kaararkooda uu asagu saxiixay, waxaan isweydiiyey sidee 47 Xildhibaan madaxweynaha u rideen, waaba haddii loo qaato sida ay u sheegteen inkastoo tiradaas iyo mid u dhow in ay ahaayeen la shakki galinayo.

GALMUDUG waxey u nuglaatay faragalinta iyo abaabulka uga imaanaysa Xamar, waana ayaandarro in mar kale Xoog Iyo xoolo loo adeegsado burburinta iyo fidno kala dhexdhigga reer Galmudug, waxaan u soo jeedinayaa madaxda Iyo waxgaradka deegaanadaas in ay u guntadaan in ay xalistaan arrimaha dhexdooda iyo iskuna dulqaataan ayagoo iska awdayo dulduleedada mar kasta loogu soo dugaalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com