Madaxda goballada dalka faragelin diid miyaa? Mise waa faragelin doon?

Muqdisho (Caasimada Online) – 8 dii bishaan ayey Madaxda Gobaladu qoraal ay kasoo saareen Kismaayo ku sheegeen in ay ka Cabanayaan Faragelin ay ku hayso Dawladda Fedaraalku. Shalay ayey hadana soo saareen qoraal ay ku dalbanayaan Faragelin Shisheeye!

Ma faragelin doon baa? Mise waa faragelin diid? Yey tahay Gacanta 3 aad oo ay rabaan faheeda? Ma la joogaa xilligii faragelinta Shisheeye! Ma akhriyeen isbedelada Siyaasada ee ka dhacaya Geeska Afrika, Gobalka iyo Adduunka? Mise waxa ay weli joogaan halkii ay joogeen laba sano ka hor?:

1-Haddii ay rabaan faragelinta Addis-ababa iyo IGAD File-kaas waa xirmay kadib isbedelkii Siyaasada iyo Nidaamka cusub ee Ethiopia.

2-Haddii ay rabaan Faragelinta Abu dhabai iyo shirarkii Qaraabka File-kaas waa xirmay kadib markii Dawlada Federaalku u gudbisay Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay Ashtako ka dhan ah Dawladda Emaaraatka! Fara-hoose mooyee waa dhamaadeen Fara-toos ah. Iyada oo Cabashooyin iyo Dacwado badan ku furanyihiin Emaaraatka iyo Sacuudiga maalmahaan oo ku saabsan arrimaha Yemen ayeysan Waqti u hayn arrima Somaaliya.

3-Haddii ay rabaan Faragelintii reer Galbeedka; ma yaqaaniin mana fahmi-karaan Maamul-gobaleed, haddii aysan u fasireen IGADii ay hogaamin-hirtay Tegreedu oo meesha ka baxday!.

4-Haddii ay raabaan Faragelinta Ergayga Qaramada Midoobay waa baxay Keeting, kan cusub in uu fahmo Maamul-gobaleed na waxa ay ku qaadan kartaa ugu yaraan 3 da bill ee ka dhiman Sanadkaan!

Hadaba waa tuma Cida ay ka rabaan Faragelinta? Haddii Cid kasta godkeeda biyo ugu galeen oo teedu haysato?

Waxaan kula talin lahaa in ay iimaansadaan kuna kalsoonaadaan Waalahooda Somaalida, gaar ahaan kuwa xubnaha ka ah Golayaasha Federaalka oo ay shalay soo doorteen, hadana Gobaladooda ku matala Fedaraalka.

Iskuma hubtiin Shisheeye ee Walaalihiin ha iska luminina, waa iga Talo???

 W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)