Theo Walcott oo dhaawac u seegi doona kulanka caawa Montpellier.

Theo Walcott ayaa seegi doona kulanka Arsenal ay Champions League  [Group B] caawa ku wajaheyso kooxda Montpellier isagoo qaba dhaawac garabka ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa waxaa uu kulankaan u seegayaa ka dib markii uu Michael Dawson ku dhaawacay kulankii ay Gunners 5-2 ku dubatay Tottenham sabtidii, intastoo uu ciyaarta dhameystay markaas.

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey in 23 jirkaani uu garoomada ka maqnaan doono  muddo yar uusana ka qeyb qaadan doonin kulanka ay kooxdiisu ka hor imaaneyso kooxda heysata horyaalka Faransiiska oo ay kula ciyaarayaan Emirates, halka Andre Santos kulankaan uga maqnaanayo dhaawac bowdada ah.

Wenger ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inay Kieran Gibbs iyo Gervinho diyaar u yihiin kulankaan ka dib markii ay kasoo bogsadeen dhaawacyo ay qabeen.

Iyadoo afar kulan la ciyaaray Champions League, Arsenal ayaa fadhisa booska labaad ee Group B waxayna leedahay todobo dhibcood iyagoo hal dhibic ka dambeeya hugaamiyeyaasha Schalke. Olympiakos ayaana fadhisa booska sedaxaad laba kulan ayeyna guul gaartay halka laba kale la garaacay, halka aysan Montpellier weli guul gaarin laakiin barbaro ayey la galeen Schalke bishii lasoo dhaafay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.