Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaareysa 41,076 oo wax ka barta Dugsiyadda Dhexe ee gobolka Banaadir.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujinaysa in 2,813 ardey ay dhaceen sanadkaan, halka ay gudbeen 38,263 arday. Tan ayaa muujineysa natiijada heerka hoos u dhac ee ardeyda ku harta imtixaanka shahaadiga oo sanadihii hore aad u badnaa.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Muungaab oo ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ka gudubtay imtixaanka, gaar ahaan gabdhaha ku guuleystay kaalimaha ugu horreeya ee najiitada imtixaanka oo kala ah;
Kaalinta 1-aad: Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax ka barata Dugsiga Amiir Nuur ee Degmada Warta Nabadda.
Kaalinta 2-aad: Sahro Axmed Cali Maxamed oo wax ka barata Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley.
Kaalinta 3-aad: Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax ka barata Dugsiga Imamu Zaylici ee Degmada Yaaqshiid.
Duqa Muqdisho ayaa abaal marin dahab ah guddoonsiiyay saddexda gabdhood ee kaalmaha hore galay, isagoo tillaabadaasi ku tilmaamay dhiiri-galin. Sidoo kale Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo u diray waalidiinta, macalimiinta iyo agaasinka waxbarashada.
Waxa uu si gaar ugu mahad-celiyay hay’addaha amniga iyo cid weliba oo ka qeyb qaadatay in imtixaanka shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025 si guul ah uu kusoo dhammaado.
“Waxaa naga go’an tayeynta waxbarashada, horumarinta iyo kordhinta xarumaha waxbarashada, si ubadka ku nool gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.
















