Tirada dadka ku dhintay duufaanta ku dhufatay Mareykanka oo korortay

Florida (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof. Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Maraykanka ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri.

Duufaanta Ian oo ka timi dhinaca badda ayaa meelihii ay dhinaca berriga ka soo bilaabantay waxaa ugu horreeyey xeebaha ku yaalla dhinaca Koonfur-Galbeed ee gobolka Florida, iyo weliba xeebaha gacanka Mexico. Hase ahaatee dhimashada ugu badan ayaa laga diiwaangeliyey degmada Lee, halkaas oo aan ku jirin meelihii markii hore la saadaalinayey inay duufaantu ku dhufato.

Criswell oo markale la hadashay Fox News Sunday ayaa sheegtay in casharka ugu weyn eel aga baranayo duufaanada ku soo noqnoqday dalka Maraykanku inay tahay, in shacabka Maraykanka ahi inay ogaadaan halisaha jira iyo meelaha ay tahay inay ku noolaadaan iyo sida ay muhiimka u tahay in dadku ay leeyihiin caymiska fatahaadaha, si aad u ilaalisaan hantida qoyskaaga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maalinimada Isniinta inuu safar ku soo maro gobolka Puerto Rico oo ay duufaantu hore ugu dhufatay bishii hore iyo gobolka Florida, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha soo gaadhay labadan gobol.

Gobolka North Carolina oo ay duufaantu gaadhay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in duufaantu ay ku dishay gobolkiisa illaa 4 qof.

Shirkadda CoreLogic oo khu takhasustay qiimaynta hantida, ayaa sheegay khasaaraha ay dabayluhu soo gaadhsiiyaan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gobolka Florida, inay shirkadaha caymiska ugu kici doonto lacag gaadhaysa illaa $32 billion oo dollar, halka khasaaraha ka dhasha fatahaaduhuna uu shirkadaha caymiska ugu kacayo illaa $15 billion oo dolar.

VOA + AFP