Tirada dhimasho rabshadaha Koonfur Afrika oo korortay

 Durban (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika waxaa weli ka socda rabshadaha ka dhashay xarigga 15-ka bilood ee madaxweynihii hore ee wadankaasi Mr Jacob Zuma, waxaana xaaladdu ay tahay mid cakiran, iyadoo ay howl-gal wadaan ciidanka ammanka.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay korortay, isla-markaana ay haatan gaartay illaa 72 qof, halka rabshadaha ay kusii fidiayaan magaalooyin horleh oo ku yaal dalkaas.

Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa boob u geysanayey goobo ganacsi oo isbuurasho ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika.

Dowladda ayaa sidoo kale dadaal xoogan wada, waxaana ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis la geeyey gobollada ugu daran ee ay dibad-baxyadu ka socdaan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda ee cikiran ee wadankiisa, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

Rabshadaha ka billowday Koonfur Afrika ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi, waxaana jira kuwa ku dhintay rabshadaha iyo boob xoogan oo ay la kulmayaan ganacsatada Soomaalida ah.

Waxa sidoo kale soo baxaya digniino culus oo ku aadan rabshadaha Koonfur Afrika oo haddii ay soo socdaan la sheegay inay sababi karaan inuu gaabis ku yimaada cunada.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyey rabshadaha ka soo cusboonaaday wadanka Koonfur Afrika, wuxuuna ururka ku baaqay in si deg-deg ah loo soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida ee dalkaasi.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loogu soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida dalka iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa haatan wajaheysa rabshadihii ugu xumaa tan iyo sanadihii 1990-naadkii, xilligaas oo dad fara badan ay ku dhinteen dagaallo culus oo dhex maray qowmiyadaha sanado yar ka hor intii uusan dalkaasi helin xornimada.