DF oo si kulul uga hadashay afar qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dal kale (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujineyso sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay 4-qof oo Soomaali ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale dukaamo badan oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ayey bililiqeysteen tuugo hubeysan, meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KvvaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay dadaalkeeda oo dhan ku bixiso, sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jirtay halgankii ay kula jirtay midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.”

Tan iyo markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma todobaadkii hore, kaas oo loo heysto musuq maasuq, waxaa dalkaas hareeyey dibad-baxyo waaweyn iyo boob ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas, dukaamada iyo bangiyada waaweyn ee dalkaas ayaa loo geystay boob xoog leh.

Ugu yaraan afar qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa ayaa la xaqiijiyey inay ka mid noqdeen dadkii maalmihii la soo dhaafay ay galaafteen rabshadaha ka socda dalkaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo dhaawacyo kala duwan loo geystay, waxaana boob xoog leh lagula kacay dukaamo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.