Tirada kuraasta illaa hadda la boobay, sida loo boobay iyo xaalka doorashada (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota qeybo kamid ah dalka. Koonfur Galbeed dhowr kursi ayaa la doortay shalay iyo maanta.

Kuraasta doodu ka taagan tahay ee sida cad loo boobay waxaa kamid ah kursiga guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna kursigiisa ahaa HOP103.

Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa lagu eedeeyey inay Jawaari u diideen inuu is diiwaan geliyo.

Eeda kursigaan Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa iska leh, kuwaas oo iyaguna diidanaa inay arkaan Jawaari oo mar kale qaadanaya kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa jira warar sheegaya inuu Laftagareen mar isku dayey inuu arrinta Jawaari si gaar ah u xaliyo oo uu kursiga iyo arrinta guddoonka dood kala furo, balse dhinaca Villa Somalia ayaa la sheegay inay si xoog leh u diideen qorshahaas, waxayna ku cadaadiyeen inuu kursiga dhaafiyo Jawaari, taas oo ugu dambeyn la sheegay inuu aqbalay Laftagareen.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa joojiyey doorashada kursigaan, laakiin looma joojin. Waxaana la filayaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu soo celin doono natiijada kursigaas.

Kursiga labaad ee dooda ugu badan ay ka taagan tahay waa Hop#67, waxaa laga soo doortay Galmudug. Sii-hayaha Agaasimaha Hey’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa kusoo baxay kursigaan.

Buuq badan ayaa ka taagan natiijada iyo xulashada qofeed ee kursigaan. Nabadoonkii saxiixi lahaa kursigaan wuxuu joogaa magaalada Muqdisho, wuuna diiday natiijada iyo sida loo maareeyey doorashada kursigaas.

Reerka kursigaas iska leh, waxay damacsan yihiin inay doorashada kursigooda ku qabsadaan magaalada Muqdisho. Kuraas kale oo isla degmada Ceeldheer laga leeyahay oo Dhuusamareeb lagu dooran lahaa ayaa laga cabsi qabaa inay reerka iska leh uu Muqdisho ku doortaan, iyagoo ka gadoodsan sida loo wajahay kursigii HOP67.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa joojiyey natiijadii kursigaan, laakiin uma badna inay ku adkeysan karaan mowqifkooda. Maamulka Galmudug wuxuu aaminsan yahay in aysan arrimahaan waxba u dhibeyn howshooda doorashada, waxayna ku doodeen inay hab-raac saxan u mareen doorshadii kursigaas.

Kursiga kale oo ay doodiisu ka taagan tahay Galmudug waa HOP54, waxaaa kursigaan lagu soo doortay Dhuusamareeb, waxaana soo qaatay Cabdishakuur Cali Mire oo isgu horey ugu fadhiyey kursigaas.

Ergo aan aheyn reerkii kursiga lahaa ayaa la sheegay inay doorashada ka qeyb galeyn. Musharixiintii diyaarka u ahaa tartanka kursigaas ayaa ku dooday in la diiday in Afartii Jufo ee uu kursiga ka dhaxeeyey ay ka qeyb galeyn doorashada.

Waxay ku baaqeyn qaar kamid ah Juffooyinka uu kursigaas ka dhaxeeyey shir deg deg ah oo ka dhacaya Magaalada Caabudwaaq kaasoo looga doodayo natiijada kursigaan oo uu qaatay Cabdishakuur Cali Mire.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu dhaleeceeyey sidii uu u wajahay xaaladda kursigaan oo juffooyinka qaar sheegeyn inaan loo marin hab sax ah.

Kursiga kale oo isna ay doodiisu mucaaradku wadaan waa kursiga HOP233. Kursigaan waxaa kusoo baxay Axmed Cismaan Diiriye oo uu si weyn u caawiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waa kursi kamid ah kuwa Reer Woqooyiga, waxaana lagu doortay Magaalada Muqdisho Natiijada kursigaas waxaa dood xoog leh ka keenay laba kamid ah musharixiintii u taagnaa oo howlka ka baxay Maalintii doorashada.

Dadkii uu kursigaan ka dhaxeeyey qaarkood waxay sheegeyn in seddex jeer la badalay Ergadii Kursiga, markii u dambeysayna waxay sheegeyn inay doorashada ka qeybgaleyn Dad Reer Muqdisho ah oo aan aheyn Beeshii kursiga laheyd.

Afartaas kursi waa kuwa illaa hadda la sheegay in si toos ah loo boobay, waxay ku jiraan cinwaanada ay mucaaradka wataan, waxaaana intaas dheer dad ku andacoonayo in loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka iyo warqaddii dambi la’aanta.

Kuraasta kale ee aan muranka badan ka taagneyn ee iyaguna soo baxay waxaa ceeb ugu filan inay ahaayeen kuwa dhammaan lasii ogaa natiijadooda, taas oo xiisihii ka qaatay doorashada Golaha Shacabka.

Xubnaha Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa si weyn u diidan doorashadaan oo dalbanaya in la joojiyo tartanka si loo turxaan bixiyo mushruuca, laakiin Ra’isulwasaare Rooble iyo maamulada qaar uma muuqdaan kuwa taas ogol.