Yuusuf Garaad oo hal arirn soo jeediyey kadib hadalladii gefka ahaa ee Buurmadow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo war ka soo saaray hadalkii Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Boqorka uu u soo jeedinayo talo walaalnimo, sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa la taliyey wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu ku soo yeeray hadalkii ay dhibsadeen dadka Soomaaliyeed ee reer koonfurka ah.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ugu horeyn ku sheegay in bani’aadamku uu khaldamo, laakiin ay u furan tahay in uu iska saxo qaladkii ka dhacay. “Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira,” ayuu yiri.

“Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa Boqorka u soo jeediyey inay u furan tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab naafeeyeen uu hadalkaas ka raali geliyo.

“Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf.

Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu hadalkaas oranaayey waxuu kula taliyey inuu iska beri yeelo wixii uu ku hadlay Boqorku.

“Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas. Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Wasiirka garab taagnaa markii uu Boqor Buurmadow dowladda ku tilmaamay Al-Shabaab! Waa Eng. Cabdullaahi Carab, wasiirka waxbarashada xukuumadda Rooble, sidoo kale wasiir Carab waa saaxiib aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha, halka garabka kale ee Boqor Buurmadow uu ka taagnaa Xeer ilaaliyihii hore ee dowladda Axmed Cali Daahir.

Hadalka Boqor Buurmadow ee carada ku abuuray bulshada reer koonfur ayaa ahaa, “Dadku hadalka waa ka gambadaan, laakiin anigu kama gambado, markii uu dhintay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii xarakada Al-Shabaab Axmed Godane ayaan u tacsiyeeyey, waxaan ari ninkaas isku caqiido ma aanaan aheyn, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa, isaga iyo xarakadiisa Allaha u naxariisto, mararka qaar reer koonfurku waxay na dhahaan war reer waqooyi miyaadnaan han la heyn, maad doonataan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare? Waxaan markaas dhahnaa war koonfur laba dowladood ayaa ka dhisan, dowladda Shabaabka beesha Dir ayaa madax ka ah, oo weliba lalama tartamo.”

Hadalkaan ayaa abuuray caro xoog leh, waxaana ka falceliyey siyaasiyiin badan oo reer koonfur ah, kuwaas oo Boqorka u soo jeediyey hadallo kala duwan, sida in uu iska diyaariyo magta dadkii ay koonfurta ku leysay kooxda Al-Shabaab iyo in uu raali gelin ka bixiyo hadalkaas oo gef ku ah dowladnimada Soomaaliya.