Tirada xildhibaanada ka soo horjeeda golaha wasiirada oo korortay (Imisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya inay korortay tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada oo saacado ka hor gaarsiisnaa 105, ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa inay gaareen ilaa 148 kuwaa oo kamideysan diidmada Xukuumada cusub.

Xildhibaanadaani ayaa la sheegayaa inay ku xiran yihiin Guddoomiye Jawaari kuwaa oo u badan Xildhibaano hore oo mar kale dib loo soo doortay.

Xildhibaanada ugu badan ee dhaliilsan qaabka loo soo dhisay Golaha Wasiirada Cusub ayaa sidoo kale la sheegay inay kasoo Jeedaan dhanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kusoo xigo Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Maamulka Puntland oo ah Xildhibaano dhawr ah, waxaana ka go’an sidii loo ridi lahaa Wasiirada Cusub haddii la horkeeno Baarlamaanka.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Ra’isul wasaare Kheyre uu ku doodaayo inaanu jirin Wasiiro ka mudan kuwa uu hadda soo dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com