Dhageyso: Farmaajo ma ka duceysan doonaa macalinkiisa dugsiga dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Muxyadiin Xasan Darba weyne ayaa ka qeybgalay kulankii ay beeshiisa Galmaax Yoonis ka yeelatay sida loogu xaqiray dowladda Soomaaliya maadaama ay ku yeelan weysay hal wasiir iyadoo dagan degmooyin tiro badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Muxyadiin Darba weyne ayaa sheegay inuu Macalin u ahaan jiray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii dowladii Siyaasad Barre loogana baahan yahay inuu ka duceyto Macalinkiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Cali Maxamed Geedi uu ku noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa markii uu macalinkiisa Saalim Caliyow Ibroow ka dhigay wasiir, ducadiisana uu ku noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa.

Isagoo halkaas ka hadlayey wuxuu yiri: :  Ma taqaanaan Sababta uu Cali maxamed Geedi u noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa? Wuxuu ku noqday macalinkiisa Saalim Caliyow Ibroow ayuu ka duceystay, isagoo ka dhigtay wasiirka Maaliyadda, aniga maanta Farmaajo wasiir iga dhig ma dhihine, balse haddii uu beesheeda wax ka dhigi waayo, xukunkiisa meel ma tagayo”

“ Xukunkiisa meel ma tagayo, sababtoo ah macalinkaaga aan ahay wax yar maahan, beeshaan xoogga badan waa inuu wax ka dhigaa, weli waxaa nagu jiro dowladda Jaceyl, balse haddii dowlad jaceylka saan kusii socoto la islama daganaan doono, waxaana u digayaa baarlamaanka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dharba weyne ayaa hadaladaan ka sheegay kulankii ay beeshiisa a uga hadleysay inay tahay wax aan la qaadan karin inay dowladda Soomaaliya ka waayaan hal wasiir, isagoo sheegay inay dagaan ilaa 17 Degmo oo Soomaaliya ka mid ah.

Wuxuu xusay in wasiiro la siiyey beelo aan meel ay dagaan jirin, midaasna ay tahay xaqdaro aysana qaadan doonin.

Haddaba hadalka Muxudiin Darbaweyne halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com