Beesha ugu degmooyinka badan Somalia oo aan xitaa agaasime ku lahayn DF

Dulmiga iyo xaq bursiga ka jira Somalia oo soo jiitanmayay tan iyo markii ay Soomaaliya xorriyada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga oo Koonfur ah iyo Ingiriiska oo gobolada Waqooyi ahaa ayaa bulshada Soomaaliyeed lagu maamulayay caddaalad daro sababtay heerka maanta joogno iyo xaqiraad bulsho waxtar u leh qaranimada Soomaaliya.

Maamulkii dowladdii Kacaanka iyo nidaamyadii dowli ee burburka dalka soo maray kadib, intaba waxay ahaayeen kuwo caddaalad ku dhisneyn, guud ahaantoodana xaq aheyn ee xal doon ahaa, waxaana nidaamkaasi lagu duudsiiyay xuquuqda qabaa’illo Soomaaliyeed oo kaalin muuqda kaga jiray qaranimada dalka Somalia.

Beesha Wacbuudhan Agaal, si gaar ahna Galmaax Yoonis oo ka mid ah beelaha ugu deegaan balaaran gobolka Banaadir iyo Shabeellooyinka, waxay aheyd beesha kaliya ee ku dulmaneyd nidaamyadii kala duwanaa ee 60-kii sano lasoo dhaafay.

Beesha Wacbuudhan, gaar ahaan Galmaax Yoonis waxay caan ku yihiin wax soo saarka iyo horumarinta nolosha deegaanada aan soo sheegnay.

Dowladdihii soo maray dalka waxay ku nooleyaan canshuur bixinta iyo dhaqaalaha wax soo saarka Galmaax Younis iyo goud ahaan Wacbuudhan iyo Mudullood. Waa ummad marka guud ahaan Soomaalida loo fiiriyo dadyowga kala kusoo dhoweeya deegaanadooda.

Weligood waxay airier la lahaayeen ajaaniibtii dalka ku dhalatay ee Soomaaliyoowday, qowmiyada Banaadiriga iyo jareer weyne oo ay wadaagaan dhaqan deegaan iyo xadaarad taariikhi ah.

Marka laga soo tago nidaamyadii ka horeeyay Kacaanka, ee dalku galay marxalado dagaal waxay shacabka Soomaaliyeed hoggaamiyeyaashooda ku heshiiyeen nidaam loogu yeeray awood qeybsi 4.5 iyo in qabiil walba deegaankiisa lagu tixgeliyo, marka la eego gobolada dalka sida Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland waxaa ka dhaqan galay nidaanka qabiliga ah iyo federaaal beeleedka lagu jahawareeriyay Soomaalida maanta,. waxaase caqabad iyo mushkilad ka dhalatay deegaanada beesha Mudullood gaar ahaan beesha wacbuudhan oo lagu tixgeliyo caasimada Muqdisho, sharafkii iyo xaqdhowrkii ay ku laheydna loo tixgelin waayay.

Caddaalad daradii iyo Xumaantii ugu darneyd ee soo martay gobolka Banaadir waa xiliyaddii Jaalle Siyaad, waxaa hoggaankii maamulka gobolka Banaadir isku badalay Xasan Abshir iyo Abuu Raas oo beel ahaan kasoo jeeday beelihii martida ee xil doonka iyo shaqo doonka ku ahaay Xamar.

Awood sheegashadii waxay mugdi gelisay hab maamulkii, xadaaradii iyo taariikhdii Xamar.

Gababadii isbadalka cusub wuxuu Mudullood kaga jiraa safka hore, gaar ahaan in lasoo celiyo xuquuqdii Galmaax Yoonis ee hoggaanka Gobolka Banaadir inay noqoto lagama maarmaan.

Galmaax oo ka mid ah Wacbuudhan Abgaal waxaa maamulka la wadaagi doona qowmiyadihii xuquuqdooda la tirtiray sida Banaadiriga iyo Jareer Weyne oo xadaarad iyo taariikh facweyn ku leh gobolada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Dowladda Farmaajo waxaa looga fadhiyaa caddaalad iyo isbadal dhab. Somalia, waxay mareysaa, marxalad u baahan in leys tixgeliyo in in shacuub walba la aqoonsado xaquuqda sharciga ah.

Wabillahi Towfiiq

Qore: Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com