Muxuu Farmaajo ka yiri arrinta la isla dhex marayo ee ah in marka uu dhoofo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waddooyinka magaalada Muqdisho ee loo xiro Mas’uuliyiinta Dowlada.

Farmaajo ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa aan loo xirin waddo xiliga uu ku guda jiro safarka iyo Booqashada xarumaha Dowlada ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay arrin khaldan tahay in loo xiro waddo, waxa uuna cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan aheyn mid raali ka ah in la dhibaateeyo shacabka xiliyada ay raadinayaan nolol maalmeedkooda.

”Aniga kuma jiro mas’uuliyiinta waddooyinka loo xiro waxaan kasoo horjeeda in Mas’uul ka tirsan Dowlada loo xiro waddo ay isticmaalayaan dadka shacabka ee raadsanaaya nolol maalmeedkooda”

Farmaajo waxa uu sheegay tan iyo markii la doortay inuu galay laba Safar oo uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga iyo Kenya, wuxuuna xaqiijiyay in labadaasi Safar aan loo xirin waddo ku taall magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa ay wax u qaban doonto dadka shacabka ah ee dhibaatada kala kulma Qaraxyada ee u baahan caafimaad dibada, si wax loogu qabto, dowladuna ay garab istaagi doonto dadkaasi.

Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dhowr jeer uu ka biya diiday in la xiro Waddooyin halboole ah oo ay isticmaalan shacabka raadinaaya nolol maalmeedkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com