Shariif Xasan oo arrin yaab leh ugu hanjabay xildhibaanada diidan wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koonfir Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa mar kale ka hadlay Caqabadaha hortaagan meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan dhisay R/W Kheyre.

Shariif Xasan ayaa sheegay in arrin Khaldan ay tahay in Shaqsiyaad is biirsaday ay is hortaagan meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somalia ee kasoo horjeeda meelmarinta Golaha Wasiirada ayuu sheegay inay yihiin kuwo Caqabad ku ah Xasiloonida dalka, waxa uuna ku sifeeyay inay yihiin Qaran dumis.

”Waa arrin nasiib darro ah in shaqsiyaad gaara ay Caqabad ku noqdaan Masiirka dalka waxaan ku baaqayaa in la kala ilaaliyo rabitaanka shaqsiga ah iyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed”

”Xildhibaanada kasoo horjeeda meelmarinta Wasiirada waxaan u aqoonsan doonaa Qaran dumis, waayo xiliga lagu jiro maaha xili laga hor imaado Masiirka maadaama Kumanaan qof ay baahi ugu dhimanayaan dalka”

Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay in arrimahooda gaarka ah ay ku xaliyaan kulamo Khaas ah, isla markaana ay ka hor wareegan Wasiirada maadaama Ra’isul wasaaraha uu sheegay inuu kusoo xushay kalsooni.

Haddalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaaya xili Guddoomiyaha BFS Jawaari uu aad uga careysan yahay Shaqsiyaad uu watay oo lagu bedelay kuwo uu la imaaday Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com