Warbixin: Tiyaatar ku dumay London oo dad ay ku dhaawacmeen

London (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in halkaas uu ku dumay dhismo Tiyaatar caan ah.

66-qof ayaa ku dhaawacmay oo toddobo ka mid ah ay xaaladooda halis tahay, kaddib markii qayb ka mid ah saqafka kore uu soo dumay Tiyaatarka lagu magacaabo Apollo oo London ku yaalla.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhismaha soo dumay la ogaaday dhowr daqiiqo kaddib, waxaana markii horre loo maleenaayay wax yaabaha socda bandhigga tiyaatarka.

Mulkiilaha Tiyaatarka Apollo ayaa sheegay in ay ka naxeen sidda ay wax u dhaceen waxaana ay sheegeen in ay baari doonaan.

Raysal wasaaraha Britain David Camiron ayaa war uu soo dhigay bogga Tweeter-ka wuxuu ku sheegay in uu aad uga naxay waxa ka dhacay Tiyaatarka Apollo.

Sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Qaarada Yurub, ma jirto qof Soomaali ah oo la soo wariyay in wax ku noqday ama goobjoog ahaa tiyaatarka dumay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com