Puntland oo lagu wareejiyay $200,000 oo ka timid dadka reer MUQDISHO

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa 200 oo kun oo doolar ku wareejiyay guddiga gurmadka dadkii ku waxyeelloobay duufaantii ku dhufatay Puntland bishii horre.

Xaflad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu soo bandhigay lacagtan, waxaana goobta laga sheegay in lacagta ay soo uruuriyeen dadka ku nool magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa lacaga ku wareejiyay guddiga loo xilsaaray gurmadka la gaarsiinaayo dadkii ku wax yeeloobay duufannadii ku dhuftay gobalada Bari iyo Nugaal.

Waxa uu ku celceliyay Soomaalida in ay iyada is gar-gaari karto isuna soo dhawaan karto intii ay sugi lahayd gacmo shisheeye iyo hay’addo dibedda ah.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga samatabixinta dadkii ku waxyeelloobay duufaanta ayaa sheegay inay lacagtan tahay tii ugu badneyd ee guddiga soo gaarta, tan iyo markii ay billaabeen qabashada gurmadka loo soo diraayo dadka reer Puntland ee ku wax yeeloobay duufaanta roobka wadatay.

Wuxuu u mahadceliyay dadkii iska soo ururiyay, isagoo dadka ku nool Muqdisho Alle uga baryay inuu siiyo nabadgelyo taam ah oo ay ku noolaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com