ICG oo ka digtay doorashada P/land

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartey Hay’adda La Socodka Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu xusey in doorashooyinka madaxtinimada maamul goboleedka Puntland ee dhici doona bisha January ay sababi karaan xiisado dhanka beelaha ku saleysan iyo in shacabku kala qeybsamaan.

Warbixinta waxay sheegtey in hay’daha siyaasadda iyo garsoorka ee gobolka ay yihiin kuwo waxqabadkooda aan dhameystirneyn, beesha caalamkana laga doonayo inay wax ka qabtaan.

Warbixinta ICG ayaa ku soo aadeysa ayadoo dhawaan magaalada Garoowe ay ku kulmeen musharixiinta doorashda Puntland oo ka mid yahay madaxweyne Faroole balse kulankoodii wuxuu ku dhammaday guul daro.

Ma cadda sida ay ku dhici doonto doorashada Puntland oo u tartamayaan mushariixiintii ugu badneed.

Warbixinta oo faahfahsan ka dhegayso qaybta hoose boggan

Caasimada Online

Xafiiska WararkaNairobi

Caasimada@live.com