Toban sano kadib dabaal deg ka dhacay xeebaha Soomaaliya (Arag Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaad kadib u dagaal dagaya 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay bilaabeen howlgalka la dagaalanka burcadeeda Soomaalida.

Ciidamadaan oo ka socdo dalalka Yurub ayaa waxay muddo 10 sano ah la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana howlgalkooda uu bilowday sanadkii 2008 xiligaasi oo burcad badeeda dardar ay ku ahayeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta mara biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Inta badan howlgalkan tobanka sana jirsaday waxaa ka qeybqaadanayay 14 dal oo qaarkood ku deeqeen Ciidan iyo Maraakiib dagaal, kuwaasi oo burcad badeeda kula dagaalamay biyaha Soomaaliya.

Halka kuwo kale ay ku deeqeen Diyaaradaha Helicopterrada ah ee ka qeybqaata badbaadinta dadka la afduubto iyo in si deg deg ah loo gaarsiiyo goobo caafimaad.

Waxaa hadda yaraaday weeraradii halista lahaa ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana wali maraakiibtaan ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya.