Mursal oo bedelay guddigii maaliyadda BF Soomaaliya, soona magacaabay guddi cusub (Aqriso magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa isbeddel ku sameeyey guddigii maaliyadda baarlamanka ee khilaafka xooggan uu hareeyey.

Qoraal xalay saqdii dhexe la sii daayey, ayaa Mursal uu uga saaray xubno ka mid ahaa guddiga, isaga oo sidoo kale kalena xubno cusub soo magacaabay.

Mursal ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababta ugu weyn ee uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga ay tahay ayada oo khilaaf xooggan uu ka dhex jiro xubnaha guddiga, islamarkaana dhowr fursad oo uu siiyey ay ku guul-darreysteen inay xaliyaan.

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan guddiga ay muujiyeen inaysan qabin inay jirto kalsooni guddiga uu kusii wada shaqeyn karo, islamarkaana khilaafka uu gaaray heer guddiga uu gudan waayey  waajibaadkiisa shaqo.

Qoraalka Mursal ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda inuu taageeray go’aanadii uu horey u qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey ee lagu kala diray guddigan.

Mursal oo dalka ka maqnaa markii guddiga la kala diray, ayaa soo laabashadiisa kadib dib usoo celiyey guddiga taasi oo dhalisay khilaaf xooggan oo isaga iyo xukuumadda soo kala dhex-galay oo gaaray heer uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Mooshinkaasi oo laga heshiiyey kadib markii Mursal iyo xukuumadda is-fahmeen ayaa waxaa hadda muuqata mar kale in Mursal yeelay sidii ay xukuumadda rabtay.

Guddiga maaliyadda oo kiis musuq-maasuq oo culus ku helay xukuumadda, ayaa waxaa hadda laga saaray xubnihii xukuumadda kasoo horjeeday laguna beddelay xubno taageersan.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Mursal