Todoba ka mid Al-Shabaab oo la dilay iyo xubno kale oo gacanta lagu soo dhigay

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyey ayaa dilay 7 kamid ah kooxda A-Shabaab, sidoo kalana wuxuu taliska ciidanka sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay howlgalkaan ayaa sheegay inay howlgalkaan ka sameeyeen agagaarka deegaanka War-ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ciidamadu ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo qalab ay wateen Al-Shabaab.

Odowaa oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha Al-shabaab ka qaadan jireen dadka deegaanka.

“ Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye Odawaa.

Sidoo kale, taliye Odawaa ayaa sheegay in la burburiyey saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo taliyuhu sheegay inay  ahaayeen kuwa sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada inkastoo ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha Al-shabaab  ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalada dhexe iyo koonfurta.

Al-Shababaab weli kama hadlin sheegashada taliyaha ciidamada xoogga dalka ee ah inay dileen 7 kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Xasan Shiikh Maxamuud loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday inuu dib usoo celin doono howlgaladii lagu beegsanayey Al-Shabaab.