Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi Caawa ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhalatay Toogasho ay geysteen Ciidamada Maamulka Ahlu sunna.
Xiisadaani ayaa timid kadib markii Ciidamada Maamulka ay toogteen ruux shacab ah, iyadoo Maleeshiyaad ku heeb ah ruuxaasi ay isku uruursadeen duleedka Degmada si ay u sameeyan aargoosi.
Xiisadaani ayaa u dhexeysa caawa Maamulka Ahlu sunna iyo dadka deegaanka gaar ahaan Ehelada Marxuumka oo usoo qalab qaatay inay geystaan aargoosi, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka.
Maleeshiyaadka kasoo horjeeda Maamulka ayaa la sheegay inay ku doodayaan keliya inay ku qaboobi karaan in Askarta dilka geysatay la keeno goobta uu dilka ka dhacay sidaana ay uga aargoostan.
Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale diidan in goobta uu dilka ka dhacay laga qaado Meydka Marxuumka si mar qura loo wada aaso Marxuumka iyo Askari rasaasta ku hubsaday Marxuumka.
Xaalada ayaa Caawa ah mid kacsan waxaana laga cabsi qabaa in gudaha Degmada uu ka dhaco weerar ama falal amni darro oo maleeshiyadaasi ay ku aargoosaneyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

