TPLF oo shuruudo adag ku xiray xabad-joojinta uu Abiy Ahmed dalbaday (Aqriso)

Mekelle (Caasimada Online) – Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. 

Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. 

Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo.  

“Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. 

“Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday.

Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. 

Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto.

TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah.