Trump oo qiray arrin yaab leh, suurto-galna ay tahay in xilka laga qaado

Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay in lagu hayo baaritaan xad dhaaf ah oo ka dhashay guushii uu ka gaaray doorashada Mareykanka.

Donald Trump, waxa uu sheegay in baaritaanka socda uu yahay mid lagu baarayo dhammaan codadka doorashooyinka, waxa uuna tilmaamay in arrintaani ay soo rogaal celisay kadib markii uu xilka ka qaaday agaasimaha FBI.

Donald Trump waxa uu sheegay in faragalin cad lagu hayo shaqooyinkiisa, isla markaana la doonaayo in qalqal Siyaasadeed lagu abuuro mudada uu xilka hayo.

Donald Trump, waxa uu tilmaamay inay nasiib darro tahay in wakhtigii la doono lagu soo furo shucaac ka dhashay doorashada, waxa uuna si caro leh u beeniyay inay jiraan xatooyo lagu sameeyay codadka uu ku guuleystay.

Fariin uu Donald Trump dhigay barta Twitterka ayaa muujinaysa sida uu uga careysan yahay baaritaanka socda ee lagu eedeeyay faragelinta Ruushka ee doorashada madaxtinimada 2016.

Donald Trump waxa uu sidoo kale sheegay in kiiska baaritaanka ee iminka socda uu yahay mid qeyb ka ah sababta uu shaqada uga eryay agaasimaha FBI.

Sidoo kale, Trump ayaa weli ku dhagan qodob ah inaanu howshiisa qalqal galin karin agaasimaha FBI ee uu ka eryay shaqada, waxa uuna cadeeyay shaqsigaasi uu yahay midka iminka wada abaabulka baaritaanka socda.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili Trump uu ku dhiiraday kala dirida qaar kamid ah Khubarada looga danbeeyo maamulka iyo howlaha ay qabtaan FBI oo la rumeysan yahay inay yihiin quwada koowaad ee dalka Mreykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com