25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Turkey: Axmed Madoobe oo rajo xumo muujiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray dalka Turkiga ayaa ka hadlay sida uu u arko shirka ka furmi doona dalka Turkiga.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka Turkiga uu yahay mid lagu qasbaayo madaxda DF iyo Maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna tilmaamay in natiijada u muuqaneyso ay tahay mid fashil ah.

Madoobe waxa uu si ganbasho la’aan ah u sheegay in Dowlada Turkiga ay ka duuleyso fakirka Dowlada Somalia, oo aysan u muuqan tan Gobolada dalka.

”Aniga maqabo in shirka Turkiga uu wax ka bedeli doono mowqifka maamulada dalka, waxaan qabaa in maslaxadu ay ku jirto in Soomaalidu ay waxeeda ku xashato gudaha Somalia”

”Anaga ayaa dhexdeena heshiin weynay ma filaayo inay na heshiisiin doonaan Dowladaha saaxiibada la ah Somalia”

Axmed Madoobe waxa uu cadeeyay in meel waliba oo ay tagaan Mowqifkooda uu yahay kii ay horay u aaminsanaayen, islamarkaana uusan waxba iska bedeli doonin.

Geesta kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Dowlada Somalia looga baahan yahay inay la imaado Turkiga go’aan jilicsan oo ay ad adeega uga soo tagto magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News