Turkey oo qaadday tallaabo ay awood ka muuqato oo ka careysiisay Greece

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Markabka wax baara ee khilaafka abuuray in markale dib loogu celinayo biyaha lagu muransan yahay ee badda Mediterranean-ka, xili dhawaan dib loo celiyay.

Ciidamada badda ee Turkiga ayaa sheegay in Markabkaasi khilaafka dhanka dhulka ah ka dhex abuuray Turkiga iyo Giriigga dib loogu celin doono biyahaasi, iyada oo aan xal rasmi ah laga gaarin xiisada ka dhex aloosan labada dhinac.

Xiisadda labada dhinac ayaa bilaabatay labo bil ka hor, kadib markii markabkaasi loo diray inuu qiimeyn kasoo sameeyo dhul ay wada sheegtaan Turkiga, Giriigga iyo Qubrus.

Ankara ayaa markale dab kusii qabaneysa xiisada kala dhaxeysa Giriiga, maadama uu sheegay in markale loo dirayo Oruc Reis si uu qiimeyn 7-maalmood ah uu uga soo sameeyo Mediterranean-ka.

Ankara waxay sheegtay in markabkaasi ay wehlin doonaan labo markab oo kale oo lagu kala magacaabo Ataman iyo Cengiz Han.

Turkiga iyo Giriiga oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO, ayaa haddana waxa badanka ka dhex aloosan khilaaf la xiriira dhanka xadka iyo biyaha badda ee labada dhinac ay wadaagan.

“Oruc Reis iyo labo Markab oo kale oo dagaal ayaa loo diray inay baaritaan ku sameeyaan dhul saliidda iyo gaaska qani ku ah oo ku yaalla koofurta jasiiradda Kastellorizo”.

Bishii hore unbey aheyd markii dowladda Turkiga ay Markabka sahanka ah ee Oruc Reis dib ugu celisay biyaha u dhow gobolka koonfureed ee Antalya, xiligaasi oo ay xooganeyd xiisadda kala dhaxeysa Giriiga.

Si-kastaba, si dhab ah uma cada sababta ka dambeysa in Turkigu uu dib usoo celiyo markabkiisa sahminta, inkasta oo uu hore u sheegay in wada-hadal kasta oo ay la galeyso Giriigga inuusan aqbali doonin in shuruud looga dhigo in la joojiyo howlaha sahminta ee uu wado markabka Oruc Reis.