Al-Shabaab oo xirtay 20 qof oo midkiiba laga rabo 1,500 oo dollar + Magacyada

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay lacag ku soo rogay qaar kamid ah shacabka ku nool degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, waxaana la soo sheegayaa in ay xirteen ku dhowaad 20 qof oo muhiim u ah bulshada degaanka.

Dadka la xiray ayaa isugu jira odayaal dhaqan, dhallinyaro iyo ganacsato, waxaana la sheegay in qofkiiba ay ka rabaan lacag dhan $1,500 haddii aysan bixinna ay kusii xirnaan doonaan Saldhig ku yaalla Galbeedka magaalada oo dadkaas loo qaaday.

Tuulooyinka dadka laga qabtay ayaa waxaa ka mid ah Xalfooley, Afcad, iyo Tuulada Shaw. Dadka la xiray ayaa dhamaantood waxaa hadda lagu haayaa Saldhigga Al-Shabaab ee ku yaalla Tuulada Shaw waxaana la soo sheegayaa in Al-Shabaab ay diideen lacag qabyo ah oo loo geeyay.

Dadka xiran waxaa kuwa ugu caansan ka mid ah: 1) Muumin Cali Axmed, 2) -Cashuur Goodax, 3) – Muuse Cali Makaraan, 4) – Yuusuf Abiikar Aamin, 5) -Muumin Cabdulle Magan, 6) – Dhibil Cabdi Cadde, 7) – Muuse Maxamed Guure iyo qaar kale oo ka mid ah dadka degaanka.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka xiran ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay u geeyeen 120 neef oo Ari ah si ay usoo daayaan dadka xiran balse waxaa diiday Al-Shabaab. Sidoo kale Al-shabaab ayaa loo geeyay lacag dhan afar kun oo dollar ($4,000) waxaana la sheegay in sidoo kale diideen iyagoo sheegay in ay sii deyn doonin ilaa qofkiiba laga keeno lacagta ay rabaan Al-Shabaab oo ah $1,500.

Dadka la xiray ayaa ahaa guddi Al-Shabaab kala macaamilayay lacago baad ah oo lagu soo rogay bulshada degaanka iyo amar kale oo ahaa bulshada halkaas ku nool ay keenaan dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-Shabaab iyo hubkii ay qaadan lahaayeen.