Xiisad ka taagan Galmudug iyo xildhibaan waday olole oo tallaabo laga qaaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal  ayaa maanta soo saaray warqad uu fadhiyada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Galmudug oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyay.

Xildhibaanka uu guddoomiye Gacal fadhiyada golaha iyo gunadiiba ka mamnuucay waxaa lagu magacaabaa Cabdullahi Axmed Calasow, waxuuna ka mid ahaa musharaxiintii kula tartamay xilka uu hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

“Fadhiyada iyo gunada kalfadhiga labaad ayaa laga joojiyey Xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow laga bilaabo 12-ka October 2020-ka, waana in cudurdaar rasmi ah uu usoo gudbiyo fadhiga koowaad ee golaha,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixanyahay guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Maalmihii u dambeeyay waxaa cirka isku sii shareerayey khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanada, waxaana jira abaabulka mooshin ka dhan ah guddoomiyaha oo ka socda Dhuusamareeb.

Guuxa moshinkaas iyo kulamada xildhibanada ayaa aad looga dareemayaa caawa magaalada Dhuusamareeb, waxaana xusid mudan in khilaafkan uu soo jiitamayey labadii bilood ee u dambeysay.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxtooyada Galmudug ay lug ku leedahay khilaafkan, isla markaana uu jiro isku day ah in meesha laga saaro guddoomiyaha baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay madaxtooyadu la rabto shakhsi aan hadda kuba jirin baarlamaanka Galmudug, balse guddoomiye Gacal ku heyb ah.