Turkiga oo dib u dhisaya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta khudbad ka hor jeediyey xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho xili ay ku kulansanaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dolwadda Turkigu ay dib u dhis xoogan ku sameyneyso dhismaha golaha Shacabka.

Ahmet Davutoglu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey xarunta golaha shacabka wuxuu uga hadlay doorka dib u dhiska dalkeenna ay walaalaha Turkigu ku leeyihiin waxaana uu u tilmaamay in mashaariicda dib u dhis ee ay Walaalaha Turkigu ka sameynayaan Muqdisho ay ugu horeyso xarunta golaha shacabka.

“waxaan Muqdisho usoo dirnay Injineeradeenna si ay usoo qiimeeyaan waxa aynu ka qaban karno xarunta golaha shacabka inagoo ka jawaabeynay codsiga gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna noo sheegeen in xaruntan aysan ku filneyn dayactir oo ay dhulka dhigayaan kadibna ay ka hirgelinayaan dhisme casri ah,waxaanna rajeynaynaa inaan ku guuleysano”ayuu ku yiri Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga khudbaddii uu ka hor jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladda Turkigu aysan ka daaleyn taageerada shacabka iyo Dowladda walaalahooda ah ee Soomaaliya ilaa inta ay Dowladda Soomaaliyeed cagaheeda isugu taageyso waxaana uu u soo gudbiyey xildhibaannada Baarlamaanka,madaxda sare ee dalka iyo shacbiga Soomaaliyeed salaan uu ka siday madaxda sare ee dalka Turkiga sida Madaxweyne Cabdala Guul iyo Ra’isulwasaare Recep Tayib Erdogan.

Dalka Turkiga ayaa kaalinta hore uga jira dowladaha Caalamka ee taageerrada ballaaran siiya Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ayadoo walaalaha Turkigana lagu xasuusto gudmadkii ay Soomaaliya u sameeyeen xiligii Abaaraha,deeqaha waxbarasho ee ay siiyeen Ubadkeenna, marti gelinta shirar aayaha Soomaaliya  quseeyey iyo dad badan ay Argigixisadu si xun ugu dhaawaceen gudaha dalka oo dalkooda ay deeq caafimaad u geeyeen.

Isha: Radio Muqdisho