Turkiga oo digniin kasoo saaray u safrida Mareykanka & Khataro halis ah oo la shaaciyay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay dawlada Turkiga ayaa waxaa loogu digay muwaadiniinteeda dooneysa inay u safraan dalka Mareykanka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta Turkiga laga doonaayo inay ka feejignaadan safarada ay ku aadayaan dalka Mareykanka.

Dowlada Turkiga waxa ay muwaadiniinteeda ugu baaqday haddii ay jiraan baahiyo gaara in laga doonaayo taxadar gaara mudada ay joogan dalka Mareykanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa qoraalka ku sheegtay inay jiraan khataro argagixiso sida weeraro iyo xariga sharci daro ah.

Wasaarada ayaa sheegtay inay jiraan cabsi galin ay dowlada Mareykanka ku heyso muwaadiniinteeda, sidaa aawgeed ay ku wargalinayaan inay ka hortagaan khataraha ay u maleegeyso dowlada Mareykanka.

Wasaarada ayaa sidoo kale ka digtay in dowlada Mareykanka ay ku kacdo xarig aan loo meel dayin oo loo geysto muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jiraan shaqaalaha dawlada ee u safraya Mareykanka.

Dhinaca kale, digniinta ayaa timid ka dib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay digniin taas la mid ah ee safarada, iyagoo ku tilmaamay Turkiga oo ay weheliso Sudan, Pakistan iyo Guatemala inay yihiin waddamo halis dheeraad ah oo dhinaca ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com