24.8 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Arrin cusub: Muqdisho oo lagu kala dhacay Xayawaanka loo yaqaan Diin-diinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dhacay Xayawaanka loo yaqaan Diin-diinka oo waayadani  danbe lagu kala iibsanaayay dhaqaale xoogan.

Dhaca Xayawaankan ayaa ka dhacay Degmada Waabari gaar ahaan eeryada xaafadaha Buunda koowaad, waxaana lasoo warinayaa in kooxda Hubeysneyd ay dhaceen laba Diin.

Diinka ayaa laga dhacay laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaa oo qorsheynaayay inay beeciyaan, hase ahaatee waxaa dhacay dhalinyaro meelo fog kasoo raacay.

Diinka la dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa nooca aadka loo baadi-goobo oo haddii la saaro taleefoonka gacanta daminaaya.

Dowlada Somalia ayaa horay uga digtay iibgeynta diinka oo la sheegay in marba marka xigta uu qiimihiisa cirka isku shareeraayay.

Dhinaca kale, dhaca labada diin ayaa noqonaaya kii ugu yaabka badnaa, waxaana aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60