Baasaboorka Soomaaliga oo beentaa yiri dalalka Pakistaan, Siiriya, Ciraaq iyo dalal kale oo waaweyn

Hay`adda lagu magacaabo Henley & Partners ee qiimeysa baasaboorada caalamka islamarkaana fadhigeedu yahay dalka Ingriiska ayaa soo bandhigtay warbixin-sannadeedkeeda qiimeynta baasaboorada caalamka kuwooda ugu qiimaha badan iyo kuwooda ugu liita.

Hay`addan ayaa qiimeysay baasaboorada 199 dal oo caalamka, waxaana 174 dal oo ka mid ah tiradaasi ay sannadkan yimaadeed meel ama kaalin ka wanaagsan meeshii ay sannadkii hore joogeen, waxaana dalalka hagaajiyay qiimaha baasaboorkooda ka mid ah Soomaaliya oo ka sare martay dalal dhowr ah oo fac iyo awoodba leh.

BAASABOORKA JARMALKA:

Baasaboorka dalka Jarmalka ayaa galay kaalinta koowaad ee baasaboorka ugu qiimaha iyo ixtiraamka badan caalamka, waxaana baasaboorkaasi lagu taki karaa 177 waddan visa la`aan.

Shantii sano ee u dambeysay ayaa waxaa uu galayay baasaboorka Jarmalka kaalinta koowaad ee qiimeyntan.

BAASABOORADA UGU QIIMAHA BADAN:

Baasaboorka soomaaliga ayaa ka qiimo batay kuwa dalalka Pakistan, Syria, Irak iyo Afghanistan, waxaana baasaboorka Soomaalia lagu tagi karaa visa la`aan 32 waddan oo caalamka ah.

Sannadkii tegay waxaa baasaboorla soomaaliga lagu tagi jiray oo keliya 30 waddan, waxaana uu sare ugu kacday 2 waddan oo bilaa visa lagu geli karo.