Turkiga oo maxkamad soo taagay 4 Wariye + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Afar saxafi Kurdish ah ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Turkiga iyaga oo lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) kaas oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga.

Beritan Canozer oo u shaqeeya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa xabsiga la dhigay Salaasadii ka dib hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada booliska ee dalkaas, kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay illaa 128 qof.

Dadka xabsiga la dhigay ayay ku jireen illaa 10 saxafi, garyaqaan u doodayey saxafiyiin Kurdiyiin ah oo xabsiga ku jira, iyo xubno ka tirsan xisbi ay leeyihiin Kurdiyiintu oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaas.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in la xayiro xisbigaas oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka PKK, hase ahaatee xisbiga ayaa eedayntaas beeniyey.

Xadhigan ayaa ku soo beegmaya, maalmo ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo dhacaysa bisha May 14-keeda, taasoo loo arko inay tahay doorashadii ugu adkayd ee uu galo madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Ilo dhinaca amniga ah oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadkan loo haysto tuhuno la xidhiidha inay ururka PKK ka caawiyeen dhinaca dhaqaalaha, shaqaalaynta iyo fidinka dacaayadaha. Ururkan ayaa Turkigu u arkaa urur argagixiso.

Hay’ado kala duwan oo caalami ah oo u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka oo ay ku jiraan Freedom House, International Press Institute iyo PEN International ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkigu inay joojiso cagajuglaynta baahsan iyo handadaada ka dhanka ah saxafiyiinta Kurdida ah, hay’adohooda warbaahineed iyo garyaqaanada difaacaya, isla markaana in fursad sharci la siiyo xisbiga Kurdiyiinta, lana soo bandhigo dhammaan eedaha loo haysto.

VOA