Mucaaradka Somaliland oo diiday qorshaha odayaasha Hawiye ee Hargeysa tegay

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee ka socda koonfurta Soomaaliya oo dhawaan Hargeysa u tegay xal raadinta.

“Qiimaheena ma garanayaan qoladaani, waan dhageysanay waxa ay wadaan, qolo Garowe ka soo degtay oo hadana Hargeysa timid kuma kalsoonin ee hana noqdaan ceeb u geysan meyno, laakiin kuma kalsoonin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Odayaashaas ayaa maalmo ka hor Hargeysa u tegay dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood oo kala ah Somaliland iyo SSC.

“Kooxdaan waxay wadataa dan gaar ah, Puntland ayey ku hor mareen, in lasoo daayo oo dalka ay soo galaana ma ahayn, looma baahna, arrintaan waxay u taallaa Somaliland, waxaana xilisa doonaa, insha allaah,” ayuu yiri Feysal Waraabe oo BBC la hadlay.

Gudoomiye Faysal ayaa ku eedeeyay odayaasha ka baxay koonfurta Soomaaliya inay dhinac yihiin oo aan lagu aamini karin dhex-dhexaadinta la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood.

“Waa siyaasiyiin odayaal iska dhigaya, hadii ay xal wadaan Garowe ma aysan tageen ee Hargeysa ayey toos u imaan lahaayeen, hanaga noqdaan, karaamada ayagaa iska qaaday markii ay Garowe ka degeene,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal.

Cuqaasha Hargeysa ku sugan ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay, waxaana la sheegay in marar badan ay ka cudur-daarteen inay wareysi bixiyaan, maadaama ay xog uruurin ka dhex wadaan dhinacyada dagaalamaya.

Beesha caalamka ayaa taageersan dedaallada dhex-dhexaadinta ah oo ay wadaan odayaasha ka tegay Muqdisho oo sii maray Puntland, tegay Laascaanood, kadibna u gudbay Somaliland.

Odayaashaas waxaa hoggaaminaya Ugaaska guud ee beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana markii ay tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Hargeysa oo weli ay ku sugan yihiin.