R/W Abiy Axmed oo qaaday tallaabo culus oo la xariirta dagaalka Sudan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xilli weli dagaallo culus ay ka socdaan dalka Suudaan ayaa waxaa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaas.

Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia wuxuu door dhex-dhexaadin ah ka ciyaarayaa qalalaasaha ka taagan Suudaan.

Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in uu wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay labada Jeneraal ee dagaallamaya, si uu ugu dhiirrigeliyo inay joojiyaan colaadda.

Xabbad-joojintii hore ayaa u suurto-gelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalka Sudan, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda.

Muddo kordhin 72 saacadood oo kale ah ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Weli waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe.

Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda South Sudan ee Jubba.

Waxaa ardayda uu dagaalku ku qabsaday Suudaan gurmadkaas u fidiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan.