Daawo: Daad ka dhashay Roobkii ka da’ay Muqdisho oo la tegay 6 Mooto Bajaaj

Muqdsho (Caasimada Online) – Roob aad u culus ayaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay qoysaska, guryaha iyo wadooyinka nugul ee magaalada.

Degmooyin ay ugu horeyso Wartanabadda ayaa laga soo weriyey khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobkii maanta ka da’ay caasimadda Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in ugu yaraan lix xabo oo Mooto Bajaaj ah ay biyuhu qaadeen, kuwaas oo ku dhacay tog-weyn oo biyuhu fariistaan oo ku yaalla degmadaas.

“Markii mootooyinka ay biyuhu naga qaadeen, waxaan aadnay saldhigga degmada, cid wax noo qabata waan weynay, maadaama aan nahay canshuur bixiyaashii, waxaan dowladda ka rabnaa inay wax noo qabato,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii la hadashay warbaahinta.

Wiilkaas wuxuu sheegay in si dirqi ah uu naftiisa uga badbaadsaday markii ay mootadiisa biyuhu qaadeen, isla markaana uusan helin wax caawin ah markii ay soo wajahday xaaladdaan.

Xaafadaha qaar ee isla degmadaas Wartanabadda waxaa laga soo weriyey guryo dumay iyo carruur ay biyuhu qaadeen, inkastoo aysan jirin cid si dhameystiran uga warbixisay dhacdooyinkaas.

Roobka maanta ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa aad u biya dhigay magaalada, meelaha qaar waxaa laga quustay in la maro, waxaana ilaa caawa socda qulqulka biyaha ee wadooyinka Muqdisho.

Inta badan magaalada uma diyaarsana maareynta biyaha roobka, waxayna xilli roobaad kasta daadadku saameyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka.

Dadka ugu daran ee sanad kasta uu roobku Muqdisho ku saameeyo waa qoysaska danyarta ah ee ku nool guryaha cooshadaha ah iyo kuwa qadiimiga ah, inta badana mamulka gobolku iskuma howlo hagaajinta biyo mareenada magaalada.

Hoos ka daawo warbixin