Turkiga oo sababaya 20 kun oo Somali ah in ay la soo daristo xaalad halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan maamulka dekedda weyn ee Muqdisho ku wareejisay shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

Haddaba waxaa soo baxay warar sheegaya in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Muqdisho ay ku dhawaaqday in ay dhimmayso shaqaalaha hadda shaqeeya oo tiradooda lagu sheegay 5530 shaqaale ah, waxaana ay ku soo koobi rabtaa 350.

Haddaba waxaan arrintaas faah-faahin ka bixiyay Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji, oo u warramay BBC-da isagoona sheegay in dekedda Muqdisho ay hadda ka howlgalaan 5530 shaqaale ah kuwaasoo shaqooyin badan ka wada gudaha dekedda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in madax ka socota shirkadda Turkiga ay la kulantay urur ay lee yihiin shaqaalaha ka shaqeeya dekedda Muqdisho, ayna u sheegeen in loo baahan yahay in la dhimmo shaqaalaha lagana dhigo 350 shaqaale.

Wuxuu sheegay oo kale in markii ay waydiiyeen arrintaas loogu jawaabay in baahida shaqaalaha sidaas u badan aaney shirkadooda dhaqaale u heynin sidaas darteed ay soo xulaan 350 shaqaale ah oo ka shaqeeya dekedda Muqdisho.

Mar la weydiiyay arrintaas in ay kala xiriireen dowladda iyo hey’addaha ku lug leh, wuxuu sheegay in ay xiriir la sameeyeen wasiirka shaqaalaha iyo xafiiska raysal wasaaraha balse aaney wax jawaab ah aaney ka helin ilaa hadda.
Maxamed Cismaan Xaaji, ayaa dhinaca kale tilmaamay haddii arrintan aan waxbo laga qaban in ay ka walwalsan yihiin mustaqbalka in ka badan 20kun oo qoysas Soomaali ah oo aabayaashood ay ka xoogsadaan dekedda Muqdisho.

Guddoomiyaha isku tagga urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa hoosta ka xariiqay in Turkiga oo ay ka filaayeen in uu door ka qaato horrumarka iyo dhaqaale dalka balse ay cunaqabateen ku noqdeen Soomaali badan.

Ugu dambeen wuxuu ka digay haddii arrintaas aan laga laaban in ay horseedi karto in ay soo laabtaan falalka burcad badeednimada iyo dambiyo kale oo caqabad ku noqda howlaha dekedda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com