Xildhibaan daaha ka qaaday in DFS ay ku dhaqaaqday qorshayaal halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii lagu xiray dalka Bulgaria sarkaal u dhashay dalka Turkiga oo heesta baasaboor diplomaasi Soomaali ah kaasoo ka ganacsada daroogada iyo maadooriyaal kale, ayaa waxaa arrintaas si kulul uga hadlay guddiga arrimaha dibedda ee baarlamaanka.

Xildhibaan, Maxamed Cumar Dalxa waa guddoomiye ku xigeenka guddigaas wuxuu warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday tallaabo aad halis u ah oo dhibaato u hoorseedi kara dalka.

Pro Dalxa ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad badan oo Soomaali iyo ajnebi ah oo xukuumadda ay siisay baasaboorka diplomaasiga oo dad gaar la siiyo una shaqeeya dowladda.

Wuxuu sheegay in ay arkeen guddigooda dhallinyaro wata baasaboorkaas kuwasoo leh waxaan ka tirsanahay xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo wasaaradaha kale kuwaasoo wax ay qabtaan aanu jirin.

Dalxa ayaa xusay in xildhibaan heesta baasaboorkaas aanu jirin marka laga reebo qaar yer oo wasiiro ah isagoona arrin laga xumaado ku tilmaamay nin  ajnebi ah oo burcad ah in uu qaato baasaboor diplomaasi ah.

Hadalka xildhibaan Dalxa ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay in ay jiraan dad badan oo qaatay baasaboorka diplomaasiga kuwaasoo wax shaqo ah aan u heynin dowladda.

Haddii ay xaqiiqo noqoto in dowladda Soomaaliya ay bixisay baasaboorka uu wato ninka Turkiga ee lagu xiray Bulgaria ee ka gancsado Daroogada waa fadeexad kale oo dowladda dhaawaceysa sharrafta ay adduunyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com