“Kuma dhiman duqeyntii Ciraaq, waxaa i gaaray daawac kaliya” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan ay Sirdoonka dalka Mareykanka shaaciyeen in duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Dalka ciraaq ku dileen Wiil uu adeer u yahay Ra’iisul wasarihii hore ee Somalia Abdi Farah Shirdoon Saacid, ayaa waxaa arrintaasi beeniyay Jihaadiiste Farah Mohamed Farah Shirdoon oo ah ninka la sheegay in duqeynta lagu dilay.

Farah Mohamed Farah Shirdoon oo arrintaasi beeninaaya ayaa waxa uu boggiisa Twitter-ka kusoo daabacay qoraal yar waxa uuna ku yiri ‘’Waa been Alxamdulilah anigu waan noolahay, wararka ay iga baahiyeen warbaahinta waa waxkama jiraan,balse waxaan cadeynayaa inaan kudhaawacmay dagaal waqooyiga Iraq kadhacay hadana waan soo bogsaday”

Warbaahinta Caalmaka oo ay ugu horeeyaan Canada iyo KMareykanka ayaa waxa ay bishii August baahiyeen in Jihaadiistahaasi uu ku geeriyooday Duqeynta, balse waxaa Arrintaasi maanta baahiyay Farah Mohamed Farah oo cadeeyay inuu dhaawacmay xiligaana ay xaaladiisu wanaagsan tahay.

Jihaadiiste Farah Mohamed Farah Shirdoon, waxa uu kamid yahay Ajaanibta ka barbar dagaalanka Kooxda ISIS, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay Soomaalida ugu horeysay oo Kooxdaasi ku biirta, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa  wiil uu dhalay Hogaamiyaha mucaaradka ee Somaliland Faisal Ali Warabe iyo weliba laba gabdhood oo 16 sano jir ah kuwaa oo kabaxsaday gurigooda oo kuyaala magaalada Manchester ee dalka Britain si ay ugu biraan kooxda ISIS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com