Turkish Airlines, Ethiopian & diyaarado kale oo joojiyey duulimaadyadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline ayaa hakisay duulimaadyadii ay isuga kala gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul kadib rabshadihii ka dhacay magaalada kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin iyo shacab dibad-baxayey..

Qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline oo ay heshay ayaa lagu sheegay in uu baqday duulimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duulimaadka.

Illaa iyo hadda ma cadda Sababta loo joojiyay duulimaadka berri oo Sabti ah diyaaradaha shirkadda ay ku tagi laheyd Istanbul. Sidoo kale ma cadda in duulimaadyada kale ee xiga Sabtida la hakiyey iyo in kale.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ay joojiyeen duulimaadkii ay berri oo Sabti ah ku iman lahaayeen Muqdisho. Mana cadda go’aankooda maalmaha xiga Sabtida.

Ilo-wareedyo madax banan oo aan la xirriirnay ayaa sheegaya in jojinta duulimaadyada ay timid markii cabsi badan ay soo wajahday, kadib dagaallo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muwdisho.

Xaaladda Caasimadda ayaa maanta oo Jimca ah aad u kacsaneyd kadib iska hor imaad dhex maray dowladda iyo xubnaha Mucaaradka.